Friday, 29 April 2016

Ku Qabso Ku Qadi Mayside

Mah-maahdan "Ku Qabso Ku Qadi Mayside" Waxa ay caan noqotay ka dib burburkii soomaaliya 1991 ereyadaas oo turjumadiisa iyo micno gaar ah ku lahaa marxaladii markaas soomaaliya good ahaan ka tagnaa. Inta badan ereygaas waxa isticmaali jiray oo aad carabka ugu hayni jiray dadka u nugul bililiqada iyo boobkii ka jiray soomaaliya taas oo sabab u ahayd dowladii dhexe oo burburtay. 

Thursday, 7 April 2016

Faraqa U Dhaxeeya Soomaalida Maanta iyo Kuwii Hore

Dhamaanteen Hadii aan soomaali nahay Waxaan si cad u garwaaqsanahay In ay jiraana Faraq aad u balaaran in ay ka muuqato Somalida maanta iyo kuwii horay usoo jiray. Waxyar Hadii aan ka taabto Maanta dunidan aan joogno Magaca soomaalinimo waxa uu si cad u noqday gadasho amaba wax si fudud oo raqiis ah dhan looga dhici karo. Markaas waxaa muhiim ah arinkan maxaa sababay? Dhamaan u madiina soomaaliyeed waxaa meesha ka shaxeeyaa baxday kalsoonidii ay Isku qabeen. Waxaa burburay qabkii iyo maqamkii ay Isku qabeen. Waxaa lumay karamadii iyo cizigii ay iyagu Isku qabeen. Waxaa lawaayay midnimadii iyo iskudubnaashihii umada. Taasna waxaa xal u ah marka hore in kalsoonida Lasoo celiyo oo lamuujiyo Isku kalsooni si ay taasi u dhaliso midnimo iyo isku dubnaadho! La soco qeybta kale mardhaw!!!