Friday, 17 April 2015

Hirasho

Nafyahay Hadimada Ka Dhowrso,
Guushana Shanamarinkeeda Haybso,
Talaabada Halkaad Dhigeyso,
Horteeda Bal Aad U Fiirso.
Rajada Hubaal Ka Doorso,
Runtana Hilinkeeda Beegso,
Hadaad Hadaad Hadal Iga Maqleyso,
Haweenka Midaad Tabeyso,
Hankaaga Sharaf Ku Raadso.
Marka Markaad Hibdise Qorsheyso
Halka Aad Geediga Fureyso
Si Aad Hirashada U Dhabeyso
Hawshada Hawshaada Hawshada Dadaal Ku Biirso.

Monday, 13 April 2015

BAAQ - Gulled Ahmed 2015

SIDEE LOO SUGI KARAA AMAANKA MUQDISHO

AMAAN MAGAALA MADAXDA SOOMAALIYA EE MUQDISHU (XAMAR XAAD BADAN), WAA HALBOWLAHA QARANKA SOOMAALIYEED IYO INDHAHA UMADA SOOMAALIYEED MEEL KASTA OO AY KA JOOGAAN DAAFAHA DUNIDA. XAMAR KADIB BURBURKII 1991 WAXA AY NOQOTAY XARUNTII DAB IYO DANBAS. DALFARABADAN OO CIIL IYO CADAWTINIMA U HAYAY SOOMAALIYA WAXA AY U HELEEN FURSAD AY KU QASAAN OO AY KU GUBAAN. DABKA KA BALALAAYANA IN AY SII HUFIYAAN. XAMARNA WAXA AY NOQOTAY MIDII UGU DOORKA WEYN EE OLALKU GAADHAY. XAMAR INTII KA DANBEYSAY 2007 WAXAA LA ODHAN KARAA IN AY WAXOOGAHAA DHAANTO. WAAYO QABQABLIHII IYO HOGAAMIYE QOOXEEDADI TALADII BAA KA WAREEGTAY. DOWLADII BAA KA AWOOD BADATAY. BALSE ILAA HADA WAA AY JIRAAN QARAXYO DHIBAATO GAADHSIIYA BULSHADA XAMAR KUNOOL. SU`AASHU WAXA AY TAHAY, SIDEE LOO SUGI KARAA CAASIMADA SOOMAALIYA EE XAMAR? YAANA SUGI KARA? 

1. DOWLADA IYO SHACABKA REER MUQDISHO OO SI DHOW ISKUULA SHAQEEYO.

2. XAFIISKA AMNIGA IYO NABADSUGIDA OO FURSADAHA U BADIYO BULSHADA REER MUQDISHO SI AY ULA SHAQEYAAN OO AY KA QEYB QATAAN SUGIDA AMNIGA

3. XAFIISKA NABADSUGIDA IYO SIRDOONKA OO DAD GAAR AH XOOGA SAARO SI AY ULA SHAQEYAAN OO AY SOO TILMAMAAN.

4. QAD TILIFEEN OO BILAASH AH OO AY NABADSUGIDA IYO SIRDOONKA SOOMAALIYA AY YEELATO SI AY SHACABKO SI TOOS AH ULA XIDHIDHAAN OO AY FASHILIYAAN QARAXYADA AY MALEGAAN NIMANKA NABAD DIIDKA AH.

5. KABA CASEYAYAASHA IYO DARAWALADA TAKSIYADA (BAJAAJDA) AY SI FIICAN U HAWL GALIYAAN.

Saturday, 28 March 2015

Galab Wacan Oo Wanaagsan Dhamaan Aqyaarta Sharafta Leh

Freedom

Xuruyadu waa shey aad u muhiim ah oo waliba ruux walba uu xaq u leeyahay in uu helo... Yaa rabi xuriyadeena qof qacanta ha u galin, amiin.

Salaan

Waad Salaamantihiin Dhamaan Aqyaarta Sharfta iyo Qaayaha Badan